Faahfaahin:-Dil Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Qof shacab ahaa waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay qofka shacabka ahaa,balse waxa uu qeyb ka yahay dilalka ka dhaca Muqdisho.

Amniga Magaaladda Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana maalmihii dambe ka dhacay dilal iyo qaraxyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here