Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Maana Booliyo.
Dilkaan ayaa loo geystay Baxsan Booley oo kamid aheyd haweenka Degmadda Boondheere,sidoo kalana kamid aheyd ergadii xildhibaanadda baarlamaanka haatan jira soo dooratay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Haweeneyda xili ay ku sugneed goob dukaan ay laheyd, waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo howlgal sameeyay ayaa ku guuldareystay soo qabashadda ragii ka dambeeyay dilka.
Alshabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilka noocaan oo kala ah.

