Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Kooxo hubeysnaa ayaa rasaaseeyay gaari uu la socday Haashim Maxamed Salaad, oo ah gudoomiyaha Waaxda Barwaaqo degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa kaasi oo marayay Xaafadda Carta.
Inta la xaqiijiyay waxaa falka ku dhaawacmay Gudoomiyaha Waaxda Haashim iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa.
Goobta weerarka uu ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,balse kuma aysan guuleysanin qabashadda raggii ka dambeeyay weerarka.

