Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo maalmahan dambe safar shaqo ku joogay dalka Keynya ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha oo safarkiisa ka warbixiyay ayaa waxa u sheegay in uu Keynya kula soo kulmay Hay’addaha deeq-bixiyaasha ah ayna u balan qaadan in hada kadib Galmudug xaquuqda ay leedahay heli doonto ayna kala shaqeyn doonaan hormarka iyo dhismaha Galmudug.
Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dowlada Federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen waxa uu intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garoowe aaney wali fulin.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay isku tashtaan oo ay deegaankooda iyagu hormarsadaan waxaa uuna intaa ku daray in ay dhawaan imaan doono Hay’addihii dhisi lahaa degmooyinka.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gaban gabeeyay in ay Dowlada Federaalka ah isku dayeeso in ay Ciidamada 21aad iyo Nisa ay u adeegsato Caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado.






