Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay Magaaladda Muqdidho ku dileen Xildhibaan ka Tirsnaa Baarlmaanka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafad kamid ah Degmadda Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Hadaba Shaqsi ceynkee ah ayuu ahaa Marxuum Boqore
Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka uge da’da weyn, waxaan ka wada tirsanayn guddiga difaaca iyo xisbiga UPD.
Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisii, eheladii, qaraabadiisii iyo asxaabtiina sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.. Innaa lillaahi wa in naa ilahi raajicuun ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo ay sxbo ahaayeen
Marxuum Boqorre waxaa uu Baarlamaanka Soomaaliya ku soo jiray ilaa 2000 waxaana laga soo doortay Gobalada Waqooyi ee JFS

