Akhriso:-Deegaano Ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle oo La Duqeynayo

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deeganadda Maamulka Hir-shabeelle dhawaan laga bilaabi doono duqeyn lala beegsanayo Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta 27aad ee Miltariga Soomaaliya Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto oo shalay safar ku tagay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalo ay haatan ka socdaan Degmada Maxaas iyo deegaano kale, balse lagu kordhin doono duqeyn sida Maamuladda kale loogu fuliyo.

Waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay iska kaashan doonaan duqeymaha laga fulinayo deeganada Maamulka Hir-shabeelle.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in deegano ka Tirsan Gobolka Hiiraan laga saaray dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana aysan lasoo kulmin wax dagaal ah inta aysan soo gaarin magaaladda Baladweyne.

Al-shaabab ayaa wali ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,wuxuuna Maamulka Hir-shabeelle ku fashilmay mudadii uu jiray in guulo laga gaaro dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here