War Deg Deg:-Shaqaale Ka Tirsanaa Hormuud oo Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Labo Ruux.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa toogtay Labada ruux oo xiligas kasoo baxay Masaajid ku yaala Suuqa Qudaarta dhanka Isgoyska Bakaaraha.

Ilaa dhowr xabadood ayaa lagu dhuftay labadda ruux oo la sheegay In ay kamid ahaayeeen Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom dhanka Bakaaraha,waxayna ku dhinteen isla goobta.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilkaan.

Mudooyinkii dambe waxaa magaaladda Muqdisho lagu dilay ilaa dhowr shaqaale oo ka shaqeynaya shirkadaha dalka ka howlgala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here