Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Lala Beegsaday Xildhibaan Jeesow

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyada qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho,kaasi oo lala beegsaday Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay Dawaralkiisa, iyo mid kamid ah Ilaaladiiisa,waxaana marka uu dhacayay Xildibaan-ka uu ku sugnaa Carwo ku taala Wadada Maka Al Mukaramah.

Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxaan lala beegsay Xildhibaan Jeesow, balse uu ka badbaaday.

“Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax ay Shabaab, gaarigiisa kula beegsadeen wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here