Xasan Shiikh Maxamuud oo Maanta Ku Wajahan Magaaladda Kismaayo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowladd Goboleedka Jubba-land.

Shalay waxaa Kismaayo gaaray Wafdi horudhac u ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Senator oo ka tirsan Xisbigiisa,kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Inkastoo aan la shaacinin ujeedka safarkiisa,hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu Madaxda Jubba-land la qaadan doono Kulamo loogu hadlaayo arrimaha siyaasadda Dalka.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa safaro ku tagi doono Caasimadda Maamul goboleedyaddaPuntland, Galmudug, Hir-shabeelle, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya sida qorshaha uu yahay.

Booqashadda Xasan Shiikh Maxamuud ee Kismaayo ayaa imaanay xili uu wali jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo madaxda Jubba-land.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here