Soomaali, Soomaali Kale Dilay

0

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya In muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay dalkaas.

Dilkaan ayaa ka dhacay Magaaladda Johansburg gaar ahaan Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Myfair.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cali Daahir oo 30-sano jir ahaa, kaasi oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku Ganacsata.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal, dilka muwaadinka Soomaaliyeed waxaa fuliyay Soomaali kale oo la sheegay in 8-xabadood uu qeybaha sare kala dhacay.

Gacan ku dhiiglihii dilka geystay goobta ayuu isaga baxsaday laaakiin policeka magaaladda  Johansburg oo bulshada soomaaliyeed kaa shanaya ayaaa ku raad jooga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here