Dhageyso Xog: Taliye Axmed Bariir Oo Qaatay 20 Kun Dollar Oo Laaluush Ah

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa banaanbax ka soconaya gudaha degmada Jalalaqsi, kaa oo looga soo horjeedo musuq maasuq ay ku kaceen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Magaaladaasi.

Boqolaal shacab ah oo careysan ayaa iskugu soo baxay fagaare weyn oo ku yaal gudaha Magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, kuwaa oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah saraakiisha ciidamada Military-ga Jabuuti ee ka howlgala degmadaasi iyo degmooyinka kale ee gobalkaasi.

Banaanbaxa ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay Taliyaha ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi Axmed Bariir inuu lacago laaluush ah ka qaatay Milkiilayaal diyaaradeed oo doonaya in diyaarado cusub ay ka howlgaliyaan degmada, kuwii horay u howlgali jirayna booskaasi si sharcidaro looga laga ceyriyo.

Mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti Jalalaqsi Axmed Bariir inuu iska hor keenayo Beelaha walaalaha ee halkaasi wada dagan.

Dhanka kale waxuu sheegay Taliye Axmed Bariir inuu 20 Kun Doolar ka qaatay ganacsato leh milkiyada diyaarad cusub oo ka howlgaleysa degmada, dooneysana in booskaasi looga saaro ganacsatadii hore.

Dhageyso: Codka Taliyaha Ciidamada Jabuuti Ee Jalalaqsi Axmed Bariir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here