Mid kamid ahaa Odayaashii Soo Xulay Xildhibaanada oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya In halkaas lagu dilay mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilka ayaa dhacay xalay fiidkii waxaa Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Xasan oo kamid ahaa Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay soo xulidda xildhibaannadda laga soo doortay deeganadda Koonfur galbeed Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ragg hubeysnaa ay hoygiisa ku weerareen ninka Nabadooonka ahaa, islamarkaana ay goobta ku khaarijiyeen.

Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay warbaahintooada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here