Faah-faahino:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax bam-baano oo xalay ka dhacay Isgoyska Baar u Bax ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda oo fariisinta ku leh Isgoyska Baar U Bax.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 4-ruux oo mid kamid ah uu yahay askari ka Tirsan Ciidamadda Xasilinta Caasimadda.

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib goobta ka sameeyay baaritaano lagu baadi-gaabayay ragii ka dambeeyay qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here