Golaha amaanka ee qaramada midoobey bayaan ay si buuxda usoo wada saareen ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka walaac san yihiin jooojinta gar gaarka bani’aadanimo ee la siin jiray dadka ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, iyadoona wali ay taagan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Xaaladaha bani’aadanimo ee katagan dalka ayaa ah kuwa ay ugu nugul yihiin dadka kunool Waqooyiga iyo koofurta Soomaaliya, iyadoona abaartii ku dhufatay Soomaaliya sanadihii 2011 iyo sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2017 dii taa oo sababtay waxyeelo xoogan, balse in ka badan 30 qofood ayaa la sheegay in ay kudhinteen fatahaadihii kadhacay waqyooyiga iyo koofurta Soomaaliya halka xoolihii ay lahaayeen ay ku’ladeeen.
Dhanka kale warkan ka soo baxay golaha ayaa sidoo kale lagu carabaabay in wali ay taagan tahay cabsida laga qabo weerarada Xarakada Al-shabaab ay ka geysanayaan soomaaliya kuwaa oo weeraro iyo qaraxyo toos ah ku qaada xarumaha ay kusugan yihiin dowlada Soomaaliya inkastoo dowlada ay ka hortagtay weeraro la qorshenayay in lagu waxyeeleeyo amniga faras magaalka ayaa lagu shegay warkan kasoo baxay Qaramada Midoobey.
Ugu dambeyn hay’ada ayaa ugu baaqday hay’adaha kuwa gargaarka bixiya in ay si dag dag ah la gaaran gar gaar bani aadanimo dadka macluusha xoogan ay ka muuqato ee ku dhibateysan guud ahaan Soomaaliya .

