Deg Deg:-Ciidamadii Ku Sugnaa Dhamaan Isgoysyada Wadada Wadnaha Oo La Qaaday !!!

0

War goordhaw soo gaaray war qabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in la qaaday dhamaan ciidamada amaanka dowladda ee ku sugnaa Koontaroolada qaar ee gaadiidka lagu baaro ee magalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney arkayeen gadiidka wax daabula oo qaadaya dhamaan ciidamada dowladda soomaaliya gaar ahaan, kuwa ka shaqeeya amaanka magaalada ee ku suganaa baraha koontarool ee lagu baaro gadiidka, gaar ahaan kuwa ku yaal wadada wadnaha ee Muqdisho.

Waxaa kamid ah Isgoysyada Siinaay, afarta-jardiin, Sanco, falaronsa, Howlwadaag, Bakaaro, kpp, Iyo Isgoyska Tarbuunka ee Muqdisho, isgoysyadaa oo ku wada teedsan waddada wadnaha ee muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Radio Simba u xaqiijiyay iney arkayeen gadiidka wax daabula oo u qaaday Ciidamadii Isgoysyadaa ku sugnaa dhanka xarunta weyn ee Sirdoonka Habar-khadiijo ee magaalada Muqdisho.

Xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay saraakiisha laamaha Amniga dowladda ayaa ka gaabsaday iney i nooga war bixiyaan sababta ka danbeysa ciidamada laga daabulay Isgoysyada ay ka howlgali jireen.

Waxaa sido kale la ogeen iney jirto is badal lagu sameynayo ciidamadii halkaa ku sugnaa jiray.

Lama oga sababta rasmiga ee ka danbeysa ciidamada dowladda ee maanta laga qaaday Koontaroolada gadiidka lagu baaro ee ku yaal wadada wadnaha ee  magaalada muqdisho.

Shacabka ayaa is weydinaya sababta ka danbeysa iyadoo maal mahii ugu danbeeyay madaxda ugu sareysa dalka ay ku mashquul sanayeen khilaafka hareeyay hogaanka baarlamaanka oo ay dabada ka riixeyso xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre.

Dhanka kale waxaa magaalada muqdisho shacabka ku dhaqan ay walaac xoogan ka muujinayeen amni darada magaalada oo shalay ay ugu danbeysay ay dhaceen laba qarax oo is miidaamin ahaa sidaasu ay tahay waxaa xirnaa wadooyinka mihiimka ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here