Faah-faahin:- Qaraxyo Is Xig Xigay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay magaalada muqdisho.

Qaraxa 1-aad oo ahaa ismiidaamin ayaa maanta ka dhacay Barkoontarool oo ku taal wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada muqdisho, halkaasi oo la sheegay inuu ku qarxay gaari nuuca raaxada oo ay saarnayeen sadax ruux oo hubeysan, iska hor imaadna uu dhax maray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugan barta koon-tarool oo laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, walow ilaa iminka wasaarada amniga dowladda Somaaliya aysan ka hadlin waxa dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa 2-aad ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Sarta Seybiyaano iyo isbitaalka Banaadir ee magaalada muqdisho, halkaasi oo barkoontarool oo gadiid lagu baaro ay ku leeyihiin ciidamada Amaanka dowladda.

Gaari labaad ee waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa watay ruux hubeysan kaasi oo toogtay inta aan lagu sameynin baaritaanka askari katirsanaa ciidamada dowladda ee halkaasi gadiidka ku baari jiray, toogasha askari kadib ciidamada kale ayaa toogtay ruuxa watay gaari ay ka buxeen waxyaabaha qaraxa, kaasi oo markii danbe goobta ku qarxay gaariga lagu soo cabeeyay maadada qaraxa sameysa.

Xiriiro kala duwan oo Idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha ciidamada dowladda ee aagaasi ayaa inoo sheegay inuu jirin khasaare ka dhashay qaraxa marka laga tago toogashooyinka halkaasi ka dhacay.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha Amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxyada ka dhacay magaalada muqdisho, iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada laba weerar ee qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada muqdisho, waxaa sido kale weerarka lagu sheegay in lagu dilay in ka badan 12 askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here