Shalay ayay ahayd markii in kabadan Boqol muwaadiniin oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, laga soo dajiyay caasimada dalka Kenya ee Nairobi gaar ahaan Garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, muwaadiniintaas oo laga soo celiyay dalka Mareykanka.
Madaxda Socdaalka dalka Kenya ayaa sheegay in dadka u dhashay dalka Kenya ee mareykanka laga soo celiyay ay gaarayaan illaa 20, halka kuwa ka soo jeedo koonfurta Suudaan ay gaarayaan 24, ayadoona muwaadiniinta Soomaalida ee dalka Maraykanka laga soo celiyay ay gaarayaan illaa 70 muwaadin, kuwaas oo lafilayo in dhawaan laga soo dajiyo caasimadda Muqdisho.
Dadkan oo saarnaa diyaarad si gaar ah loo leeyahay ayaa dowladda mareykanka waxa ay ku eedeysay in ay dambiyo kala duwan kagaleen dalkaas, ayagoona sidoo kale la aaminsan yahay in qaab sharci daro ah ay ku joogeen gudaha dalka Mareykanka.
Tan iyo markii la doortay madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxaa sii kordhayay soomaalida dib loogu soo celinayo gudaha dalka, xilli ay arintanna walaac farabadan ku abuurtay soomaalida sida sharci la’aanta ah ugu nool dalka mareykanka.

