QM oo Sheegtay In ay Gargaar Bini’aadanimo Soo Gaarsiinayso Soomaali ah.

0

Hay’adaha gar gaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ku dhawaad 130 Milyan oo ruux, oo ku kala nool ku dhawaad 51 wadan ay u baahan yihiin gar gaar bini’aadannimo oo deg deg ah kuwaas oo 11,boqolkiiba ay barakacayn sanadkii la soo dhaafay.

Ku dhawaad 400,000, ayaa ku soo qaxay duleedka caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ka soo barakacay abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirto gudaha dalka Soomaaliya.

Luca Russo, oo ah lataliyaha dhanka istiraatiijiyadda hay’adda FOA, ayaa sheegay in ay sii kor dhayso 60% Cuna yarida soo wajahayso wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Russo, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay, in xaaladda bini’aadannimo ee kajirta in kabadan 50 wadan loo baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto, taas oo qayb wayn ka qaadan karto nabadda caalamka ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sida laga soo xiganayo QM, in kabadan 3 milyan oo ruux ayaa  halis ugu jiraan in ay u dhintaan biyo la’aan iyo nafaqo darro baahsan oo kajirta gudaha dalka soomaaliya.

Dadka inta badan ku barakacay gudaha dalka, ayaa iskaga soo tagay guryadooda kadib markii ay soo wajahday Biyo yari iyo Cuno la’aan.

Laurent Bukera, oo ah u qaabilsanaha hay’adda WFP, ee Soomaaliya ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay gargaarka ay gaarsiinayeen dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya, ay ku siinayeen lacag caadi ah, halkii ay raashiin ka siin jireen, taas oo ay ku sheegeen in ay ka dhib yartahay markii Raashiin la siiyo, asagoona intaasi sii raaciyay in dadku awood u heli karaan in ay suuqa ka soo gataan wixii ay jecel yihiin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka beeraha FOA, ayaa ka digaysa in ay dhacdo abaartii 2011’kii oo kale, abaarahaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 oo ruux.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here