War Deg Deg:- Laba Ruux Oo Goordhaw Lagu Toogtay Muqdisho

0

War goordhaw naga soo gaaray degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bastoolado ay toogasho ku dileen ilaa laba ruux aan ilaa iminka la garan waxa ay yihiin iyo cida ay katirsanyihiin.

Dilka ayaa waxuu ka dhacay agagaarka Warshada Baastada ee Degmada Yaaqshidwaxaana la sheegay iney geysteen ilaa laba ruux oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaa oo rasaas la dhacay laba qof oo aan ilaa hada la garan waxa ay yihiin, iyo sababa ka danbeeya dilka labadaasi ruux.

Goobjoogayaal ayaa Radio Simba u xaqiijiyay dilka labadaasi ruux oo la sheegay in lagu dhax dilay hoy ku yaal  agagaarka Warshada Baastada ee Degmada Yaaqshid, oo labada ruux ee la dilay ay ku sugnayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka la dilay iney ahayeen ciidamo katirsan dowladda soomaaliya.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka labada ruux, xiriiro kala duwan oo war qabadka Idaacada Simba uu la sameeyay saraakiisha amniga degmada Yaaqshid ayaa suura galin, sababa la xiriira mashquul dhan kooda ah oo jira, kuwaa oo noo sheegay iney dib faah faahinta dilka labada ruux inala wadaagi doonaan.

Waxii kusoo kordha dilka labada ruux iyo halka ay katirsanayeen kala soco SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here