Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa xarunta xalane ee Magaaladda Muqdisho,waxa uu kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ay wehliyaan taliyeyaasha Ciidamada AMISOM.
Gudoomiye Jawaari kulanka uu la qaatay Madaxda AMISOM waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad,xoghayaha guud ee Baarlamaanka iyo xubno kamid ah guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.
Kulankaan ayaa la sheegay in loogu wada-hadlay xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo guddoomiye Jawaari uu ka dalbaday AMISOM inay sugto ammaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya xilliga la guda galayo mooshinkiisa.
AMISOM oo waajibaadkeedu ka mid yahay ilaalinta amniga guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xarunta Baarlamaanka ayaa balanqaaday inay waajibaadkaas ilaalin doonto, islamarkaana ay rajo ka qabto in xiisadda siyaasadeed ee madaxda dowladda si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo.



