Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka ka taagan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya iyo xaaladda ka jirta magaalada Beledxaawo.
Waxa uu sheegay in arrinta Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu soo taagnaa muddo dheer ilaa dowladii Xasan Sheekh, loona diray laba Guddi oo kii ugu danbeeyay uu booqday xilligaan dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
“Soomaaliya iyo Kenya xuduud aad u dheer ayay leeyihiin, laba Guddi ayaa loo diray xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay u soo xaqiijiyaan waxa jira, hadana guddi kale ayaa la diray oo Dowladdan ka tirsan, waxaa hada la wada sugayaa in labada Madaxweyne ay isu tagaan, go’aan siyaasadeedna laga gaaro”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Mudooyinkii dambe waxay xiisadd ay ka jirtay Degmadda balad-xaawo ee Gobolka Gedo,kadib markii Dowladda Kenya ay dib u bilowaday dhismaha Darbiga.
Dhanka kale Shacabka Magaaladda ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland inay la safteen ciidamada Kenya ee sameynaya dhul boobka iyo gododka ay ka qodayaan gudaha Beledxaawo.

