Madaxweyne Gaas oo Ka Qayb Galay Aas Loo Sameeyey Masuul Sare Oo ka Tirsanaa Puntland (Sawirro)

0

Madaxweynaha mamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe, garyaqaankii guud ee Puntland.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii Puntland, ayaa waxaa madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka mamulka  Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladd gobaleedka Puntland, saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tisan Madaxtooyada.

Madaxweyanha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Alle uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u wasiciyo.

“Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee maamulka Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii

uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu maamulka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, ayuu yirii madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta.

Daawo Sida Uu u Dhacay Aaska Loo Sameeyay Marxuum Garyaqaan Maxamed Muuse

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here