Warar Ku Saabsan Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa gaari loo adeegsaday oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaaxi lagu shaaxeeyo oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay balse ka badbaaday,gaariga ayaa qarxay inta uusan hoteelka gaarin wuxuuna ku qarxay goob dadka ay ku badnaayeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kasoo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya waxayna Ciidamada xireen wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 14-ruux oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here