Laamaha amniga Gobolka Nugaal ayaa Howlgalo ay kasameeyeen Xaafadaha Magaalada waxa ay ku soo qab qabteen dhalinyaro xiliyada habeenkiiya dadka Mobilada ka furta mararka qaarna kudila.
Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangoolli oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaradasi shacabka dhibaatada ku hayay , waxa uu sheegay in qaarkood markii lawaayay oo ay baxsadeen Ciidamadu ay soo xireen Waalidiintii dhalay si ay ukeenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa, dhibaata fara badana ku haya shacabka iyo ganacsata magaaladda.
Faarax Cabdiraxmaan Warsame ayaa waxa uu kahadlay sidoo kale Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Toga wayn ee dhexmara Magaalada garoowe , wuxuuna sheegay Taliyaha in gabadhaasi laga kaxaystay Xafadii ay daganayd , waxa uu sheegay in qaar kamid ah ragii falkaasi sameeyay ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.
Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangoolli ayaa sido kale ku eedeeyay dhalinyarada dhaca ka geysta magaalada iney u badan yihiin dhalinyarada dhigata dugsiyada sare ee magaaladda garoowe.

