Madaxweyne Farmaajo oo Shir Kaga Qeyb Galaya Dalka Rwanda

0

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Faderalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan shir muhiim ah oo looga hadlayo Ganasiga xorta ah, kaas oo ka dhici doono caasimada dalka Rwanda ee Kigale.

Shirkan waxaa ka qayb galayso madaxwaynayaasha wadamada Uganda, chad, jabuuti , gabon, mali Senegal, Kenya, Soomaaliya iyo wadamo kale.

Madaxwaynaha dalka Nigeria mohamadu Buhari ayaa dhankiisa joojiyay safar uu ku tagi lahaa caasimada Kigali, ayadoona inta badan madaxda wadamada afrika qaarkood ay shirkaasi ku yeelan doonaan matalayaal.

Shirka maalinta arbacada ah ka furmi doono caasimada dalka Ruwanda ee Kigali ayaa u jeedkiisu yahay in la kala saxiixdo heshiis ku aadan gacansiga xorta ah, kaas oo ahmiyad wayn ugu fadhiyo qaaradda afrika.

Madaxda Shirkaas ka qayb galayso ayaa la filayaa in Kigali ay gaaraan maanta iyo bari, ayadoona dhanka Soomaaliya lagu wado in shirkaasi uu kaga qayb galo madaxwaye Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxwaynaha jumhuuriyadda faderalka soomaaliya mudane farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa inta shirkaasi socdo in uu kulamo qaas ah layeesho madaxda qaaradda si uu kaga hadlo arimaha horumarinta amniga soomaaliya.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here