Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyay in Ciidamo ka Tirsan Malatariga Soomaliya ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Somaaliya iyo Taliyaha cidiamada Booliska oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxa ay sheegeen in wararkaas ay been abuur yihiin.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay amar ka soo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya in ciidankaan lagu geeyay xarunta Golaha Shacabka.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa dhankiisa sheegay ciidanka inay yihiin kuwa ka tirsan Booliska Somaliya, islamarkaana ay yihiin Birmadka Booliska oo Taliska ciidanka Booliska hoostagga,islamarkaana wararka sheegaya in ciidamo ay la wareegeen xarunta ay yihiin kuwa been abuur ah.
Xalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa warbaahinta u sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ciidamo ay soo dirtay in ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka.

