Jawaari-:Ciidamo Ka Amar Qaata Raisulwasaare Kheyre ayaa La Wareegay Golaha Shacabka”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo caawa shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta mooshinka iyo Ciidamo caawa la wareegay xarunta Golaha shacabka.

Gudoomiye Jawaari oo ugu horeyntii ka hadlay mooshinka ayaa kaga digay xildhibaanadda arintaan hogaaminaya in ay gacantooda ku burburiyaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah halka dowladda laga hago.

Sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay arintaan soo faragalisay, islamarkaana ay qaadayso mas’uuliyadda wixii ka dhaca golaha Shacabka.

“Waxaa ka codsanayaa Xildhibaanadda Mooshinka iga wada in ay kusoo darsadaan halka xildhibaan ee ka dhiman, ha la iska dhaafo in loo shaqeeyo qof shaqsi ah”, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

“Saldhiga Dowladda waa golaha shacabka, Golaha Shacabka oo ceeb ay ku dhacdo waa shacabka Soomaliyeed oo ay ceeb ku dhacday, Jawaari yaan laga dhigin halkii loo mari lahaa burburinta Golaha shacabka”, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Mar uu ka hadlayay Jawaari Ciidamo caawa la wareegay xarunta Golaha shacabka ayuu sheegay in Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uu qaadayo mas’uuliyadda wixii ka dhaca xarunta Golaha shacabka, islamarkaana Ciidamadda caawa la wareegay aysan aqoonin habdhaqanka baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here