Dawladda Imaaraadka Carabta oo Ciidamo u Tababaraysa Soomaaliland

0

Dawlada imaaraadka carabta ayaa tababaraysa ciidamo u gaar ah ilaalinta amaanka oo ay somaliland leedahay, kuwaas oo qayb ka ah heshiiska saldhiga milatari ee laga hir gelinayo magaalada Berbera.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa ku warantay in madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi u sheegay in imaaraadka Carabta uu tababarayo ciidamada darawiishta iyo booliska, isaga oo xusay in heshiiska saldhiga milatari ee imaaraadku ka samaysanayo magaalada Berbera la dhamaystiri doono labada bilood ee soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan Soomaaliland ee imaaraadku tababarayo ay yihiin kuwo haysta qalab iyo aqoonba.” Sida uu sheegay Muuse Biixi.

Reuters ayaa daabacday in wasiirka arimaha dibada maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire oo goob joog ahaa markii la waraysanayey madaxweyne Muuse Biixi uu ka gaabsaday inuu cadeeyo cadadka askarta ay dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta keeni doonto saldhiga Berbera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here