Taliska ciidamada mareykanka ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano Africom ayaa waxa ay soo saareenWarbixin quseysa howlgalada ay ka wadaan ilaa 53 dal oo qaaradda afrika ah oo soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu badan ee Taliska uu ka fuliyo howlgalada kala duwan.
Gen. Thomas D. Waldhauser oo ah sargaal katirsan taliska ciidanka mareykanka ee afrika ahna hogaamiyaha ciidanka badda mareykanka ee ka howlgala Afrika ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in sare loo qaado howlgaLada ay ka wadaan qaaradda si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida dalalka Afrika oo uu sheegay in ay la dageen Kooxo Islaamiyiin argagaxiso ah.
Gen. Thomas d. Waldhauser ayaa sidoo kale sheegay in ay tababaro siiyaan ciidamada wadamo Dhowr ah oo qaaradda afrika ah oo ay kujirto Soomaaliya si loo hormariyo dalalkaasi.
Thomas ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii aan soo dhaafnay ay afar askari uga Dhinteen dalka niger oo kamid ah dalalka ay howgalada ka wadaan ee afrika .
Gen. Thomas d. Waldhauser ayaa sidoo kale sheegayy in howlgalo ay bishii may ee sanadii 2017 Ka fuliyeen galbeedka magaalada muqdisho uu uga geeriyooday sargaal lagu magacaabi Jiray kyle milliken kadib iska caabin ay kala kulmeen Dagaalyahanada Alqaacidada Soomaaliya Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada Mareykanka ee jooga gudaha soomaaliya ayaa kordhiyay mudooyinkii danbe howlgalada ka dhanka ah xarakada Al-shabaab, kuwaa oo gudaha dalka ka fulinayay howlglo u badan duqeymo.

