Dowladda Mareykanka oo Malaayiin Doolar Ku Bixinayso La Dagaalanka Al-Shabaab

0

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Rex Tillerson, ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheenayso in ay ku bixiso dhaqaalo dhan $140m la dagaalanka Xarakadda Al-Shabaab.

Rex Tillerson xoghayaha arimaha dibadda mareykanka oo booqasho ku maraya qaar kamid dalalka Afrika, waxa uu amaan u soo jeediyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, sida wacan ay uga garab siinayaan dowladda Soomaaliya, iyo sida ay u nabadeeyeen qaybo farabadan oo Soomaaliya ka mid ah.

“Waxaan ka dhararayaa in aan lakulmo madaxa midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, goordhow si aan ugala hadlo sidii wadajir loola dagaalami lahaa ciidamada taabacsan Al-Qaacida iyo Daacish kuwaas oo ku sugan dhamaan Qaaradda Afrika, ayuu yiri Xogyaha arimaha dibadda mareykanka Rex Tillerson.

Ciidamada midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa ka kooban shan wadan, oo kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Jabuti, iyo Ethiopia.

Uganda ayaa ah wadankii ugu horeeyay ee soomaaliya soo gaarsiiya ciidamo sanadkii 2007’dii , waana wadanka ugu badan ee ciidamadiisu katirsan yihiin Amisom, ayagoona gaaraya ciidamada Uganda ee ka tirsan nabad ilaalinta midowga Afrika  illaa iyo 6,000 oo askari.

Tan iyo 2016’kii waa markii ugu horeysay oo ay dowladda mareykanka sheegto in ay ku bixinayso lacag dhan $140m ladagaalanka Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here