Faah-faahin:- Dagaal Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare dhaliyay oo lagu qaaday kolonyo katirsan Ciidama maamulka koofur galbeed oo ka soo anba baxay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ciidamada weerarka dhaba galka ahaa la kulmay ayaa la sheegay iney ka soo anba baxeen magaalada Baydhabo, kuwaa oo ku sii jeeday dhanka degmada Buurhakabo, balse inta aysan gaarin hadafkoodii ay la kula kulmeen inta u dhaxeysa deegaanada Daynuunay iyo Goof gaduud oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay. Weerar dhaba gal ah oo kaga yimid dhanka Dagaalyanada Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney maqlayeen rasaas xoogan oo ka dhaceysay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo oo ka wada tirsan degmooyinka gobalka Baay, balse aysan Xaqiiji karin cida weerarka uu u dhaxeeyay iyo khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dirirtu dhax mareysay.

Gudoomiya deegaanka Goofgaduud Xasaney Xuseen oo la hadlay weerarka kadib Idaacada Simba ayaa xaqiijiyay inuu jiro dagaalkaasi,waxuu sido kale beeniyay warka kasoo baxay Al-shabaab ee ahaa iney gadiid ku guben weerarkaasi dhaba galka ah ee ciidama koofur galbeed ay la kulmeen, gudoomiyaha ayaa sheegay iney ku dileen dagaalkaasi rag katirsanaa xoogaga Al-shabaab ee weerarka dhaba galka ah ku qaaday kolonyadii ciidama maamulka koofur galbeed ee kusii jeeday dhanka degmada Buurhakabo.

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sido kale sheegay iney jiraan qorsho ciidamo lagu geynayo deegaanka deynuunaay iyo degmooyin kale oo katirsan gobalka, si buu yiri looga hor tago weerara Al- shabaab.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi, sido kale Al-shabaab ayaa sheegay iney weerarkaasi dhaba galka ahaa ku gubeen gaari Cabdi Bile ah, askar katirsan ciidama koofur galbeed oo kolonyada la weeraray la socdayna iney halkaasi ku dileen.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weerarkaasi dhaba galka ahaa ayaa ku waramaya iney iminka xaalada tahay mid dagan, ciidamadii la weerarayna ay sameynayan howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii Al-shabaab  ka ahaa ee weerarka dhaba galka ah ku qaaday ciidamadii wadada ku socdalayay.

Al-shabaab ayaa inta badan waxey weeraro ku qaadaan Mas’uuliyiinta iyo askarta maamul gobaleedka koofur galbeed & ciidama miltariga Itoopiya ee  ku socdaala deegaanada iyo degmooyinka maamulkaasi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top