Wasaaradda amniga Kenya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay sidii ay ciidamo dheeraad ah ay ku geyn lahayd deegaanada ku yaalo gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya si ay u xaqiijiyaan amniga deegaanadaas, gaar ahaan xuduuda ay Kenya lawadaagto soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda amniga Kenya ayaa booqasho ku tagay gobolka waqooyi bari asagoona ballan qaaday in ay wax muuqdo ka qaban doonaan xaqiijinta amniga deegaanada iyo degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka waqooyi bari.
Dhanka kale wasiirka amniga Kenya ayaa lakulmay madaxda amaanka ee gobolka waqooyi bari asagoona ku bogaadiyay sugida amniga.
Dowladda Kenya ayaa qorsheenaysa in dhawaantan ay keento gobolka waqooyi bari ciidamo dhawaantan tababar looo soo xiray kuwaas oo loogu talagalay sugida amniga gobolka waqooyi bari.
Dhawaantan ayay ahayd markii xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degmada wajeer gaar ahaan iskuulka Qarsa halkaas oo ay ku dileen 3 macalin.

