Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay dhacay khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaliya.
Shabaab waxa ay sheegeen in 20 askari lagu dilay weerar dhabbagal ahaa oo kolonyo katirsan ciidamada Kenya shalay lagula eegtay duleedka deegaanka Faxfaxdhuun.
“Dagaalkii shalay Gedo ka dhacay waxaa lagu gubay seddax baabuur,laba Taaw ah iyo mid Mutabiish ah waxaana lagu dilay 22 Askari Kenyaan ah hub farabadan waa lagu qaniimeystay” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

