Qaramada midoobe ayaa sheegtay in urur weynaha Al-Qaacida uu ka Qatar badan yahay goobaha qaar kooxda daacish ee ka dagaalanta wada badan oo caalamka katirsan.
Quburada qaramada midoobe ayaa qabta in waqti xaadirkan Al-qaida ay ka Qatar badan tahay ISIS kadib markii kooxda isis lagu jabiyay goobo farabadan oo ka mid ah Syria iyo Iraaq, ayagoona badankood u baxsaday goobo farabadan oo ay ka mid tahay gudaha dalka masar Sinai, Kashmir, Yemen, iyo Somalia.
Qiimeen ay sameeyeen quburo ka socoto qaramada midoobe ayaa soo warinaya in ururka Al-qaacida ay haatan jooga wadamo ay ka mid yihiin Somalia iyo Yemen ay ka qatar badan yihiin ururada daacish oo ayagana kusugan isla goobahaas iyo gooba kale oo wadamada caalamka kamid ah.
6’dii bishan ayay ahayd markii ay Sirdoonka Maamulka Israel ay sheegeen in ciidamada isis ee ku soo jabay ciraaq iyo Syria ay hawgaladooda u soo badasheen wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Somaliya.
Warkan ka soo baxay qubarada ka socota qaramada midoobe ayaa qabta in qatarta Al-qaacida ee ku sugan goobo farabadan oo ay ka mid tahay somaaliya, fa ba ana ay ku ahayan sida ay sheegtay Qaramada midoobe.
Cutubyada katirsan Xarakada Al-shabaab ee soomaaliya ayaa lagu tiriyaa iney yihiin kuwa ugu qatarta badan marka loo eego urur weynaha Al-qaacida kheybihiisa kala duwan ee ka howlgala caalamka.

