Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda oo Shir Ugu Furmayo Muqdisho

0

Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa dhawaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gaaran muqdisho, si ay shirka ugu qeyb galaan.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha ka qabsoomay shirkii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyada oo shirkii ugu dambeeyay waxyaabaha ka soo baxay ay ka mid ahaayeen isku dhafka Ciidanka,sugidda amniga dalka,wadaagga Kheyraadka iyo qaabka doorasho qof iyo cod ah uga dhaceyso Sanadka 2020-ka.

Sidoo kale shirka ayaa la filayaa in ay warbixin kusoo bandhigaan Guddiga doorashooyinka madaxabanaan taasi oo diiradda lagu saarayo hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto dalka Sanadka 2020-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here