Ganacsato Soomaali Ah oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya dalka Konfur Afrika ayaa waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi lagu dilay Ganacsato Somaali ah oo ka ganacsanayay gudaha dalka Konfur Afrika.

Dil Kowaad waxa uu ka dhacay Tuulo Hoostagta magaalada Cape town waxaana loo geystay Wiil Soomaaliyeed oo Mehred ganacsi ku lahaa Tuulada hoostagta magaaladaasi.

Dhanka kale Ruuxa gacansadaha ah ee lagu dilay duleedka Cape town ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Catosh kaasi oo ay dileen Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah oo doonayay iney dhac u geystaan.

Dilka loo geystay Muxamed Catoosh waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalka Konfur Afrika lagu dilay Ganacsado Soomaaliyeed oo isagana lagu magacaabi jiray Fu’aad kaasi oo sidoo kale ay dileen Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah oo doonayay iney dhacaan.

Mudooyinkii danbe muwaadiniinta soomaalida ah ee ka ganacsada dalka Konfur Afrika ayaa la kulmayay weeraro toogasho ah oo kaga imaanaya Kooxo Burcad Konfur Afrikan oo raba iney dhacaan hantidooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here