Waxgaradka Cadaado oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Farmaajo iyo Xaaf+Dhageyso

0

Imaam Bashiir Imaam Salaad Imaam Xasan dhholyre ayaa talaabo horay loo qaaday ku tilmaamay midnimada reer galmudug iyo sida ay isugu tanasuleen isagoona rajeeyay in inta harsan ay guul iyo midnimo ku dhamaadaan.

Imaamka oo sii hadlay ayaa bogaadiyay isku daygii Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda galmudug sida wadajirka ah ay u soo afjareen  xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd degmada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Magaaladda Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo fadhi u noqoneyso Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Odayaasha Beesha Cadaado ayaa ku qancay go’aanka Madaxweynaha iyo in la xaliyo tabashadii ay qabeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here