Xildhibaan Cabdullahi Shekh Ismaaciil oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo lahadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa guul siyaasadeed ku tilmaamay safarkii madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku tagay deegaanada iyo dagmooyinka Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Xildhibaan Cabdulaaahi Shekh Ismaaciil oo soo noqday Ra,isalwasare ku xigeen iyo wasiirka dastuurka iyo wasiirka arimaha dibada dowladii Madaxweyne Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu qoondeeyo ama qorsheysto safar lamid ah socdaalkii nabadda Puntland iyo GalMudug uu ku maray mid kaas lamid ah inuu ku bixiyo deegaanada iyo dagmooyinka mamulada Juballand, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaliya.

