Ciidamada Danab Iyo Kuwo Mareykan Ah oo Weerar ku Qaaday Degmada Jamaame

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in Xalay Ciidamo isugu jiray Mareykan kuwo Soomaali ay howlgal qorsheysnaa ka fuliyeen deegaankaasi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay iney wateen Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa Helicopter kuwaa oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Jamaame, oo ay maamulaan Xoogag katirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan oo ay si wada jir ah u fulinayeen Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka uu tababaray ayaa la sheegay iney ku qaadeen degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose, halkaasi oo la sheegay iney ciidamadan huwanta ah ee mareykanka uu horkacayay ay weerrarkooda u adeegsanayeen hoobiyaal ay kusoo tuurayeen degmadaas, oo Al-shabaab ay ku leeyihiin Barkoontarool oo magaalada laga soo galo.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jamaame ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in weerarkaas ay fulinayeen ciidamo huwan ah oo Soomaali iyo Mareykan isugu jiray, weerarkaa-na uu si gaar ah kaga dhacay barkoontarool oo ku taal banaanka hore ee magaalada laga soo galo, ayna labada dhinac isku adeegsanayeen hubka fud fudud, lana cadeyn Karin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu beeniyay weerarkaasi la sheegay in lagu qaaday degmadda Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose, Shabaab ayaana inta ku daray iney ka hortageen weerarkaasi oo ay fashiliyeen inta aan lagu soo qaadin magaalada, maadama ciidamada huwanta ahaa ee mareykanka iyo soomaalida isugu jiray ay ka war heleen in loo diyaar garoobay, waxii intaa xegayna ay ciidamada Mareykanka uu hogaaminayay ku dhaqaaqeen duqeymo ay Magaalada kusoo garacaan.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska ciidamada gaarka ee Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Somaaliya ee la sheegay iney fulinayen weerarka lagu qaaday degmada Jamaame ee Gobolka J/ Hoose.

Labadii maalin ee ugu danbeysay Ciidamada huwanta ah ee Danab iyo Ciidamada gaarka ee Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada lagu qaadayo goobaha iyo Saldhigyada Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin degmooyinka qaar ee ku yaal gobalada dalka, waxaana weeraradaasi la sheegay iney qasaare kasoo gaartay dagaalyahanada Al-shabaab ee la kulmay weerarada iyo duqeymaha ciidamada wada jirka ah ay ka fulinayeen saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen qaar kamid ah deegaanada Gobalada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here