Faah-faahin:-Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmadda Afgooye

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxa ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan oo mudo ku dhow  saacad socday ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, kadib Ciidamada Dowladda oo helay gurmad ayaa taasina ay keentay inay dib isaga riixaan ciidamadii Alshabaab oo weerarka soo qaaday sida dadka deegaanka ay sheegayaaan.

Willi wax khasaaro ah lama soo warinayo inkastoo warar la helayo ay sheegayaan in labo Askari ay weerarkaasi gaadmada ahaa ku dhaawacmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here