Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamadda Ethopia in uu haatan ka socdo deegaanno dhaca duleedka magaalada Baydhabo.
Dagaalkaan ayaa ka socda deegaannada Goofguduud iyo Daynuunaay halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in dhinacyada ay isu adeegsanayaan hubka nooocyadiisa kala gadisan ayna ka qeybqaadanayaan gaadiidka dagaalka ee Tiknikada daryanka madaafiicda iyo rasaasta lays dhaafsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Baydhabo
Saraakiisha amniga dowlada iyo kuwa Maamulka Baydhabo wili ma aysan ka hadlin dagalkan saaka wabarigii ay kula jarmaaden dagaalyahanada Alshabaab saldhigyadaasi ciidan ay ciidamada dowlada iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku lahaayen deegaanada Deynuunaay iyo Goog gaduud oo kawada tirsan Gobolka Baay.

