Eng Canshur:-“Suurtagal Ma ahan in Dalka Ka Shaqeeyo Fure aan Ahayn Dal kugalka 252”,

0

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Canshur Xasan ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo fulineysa qodobada xeerka Isgaarsiinta qaranka ayaa waxa ay ku guddo jirtaa dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo heer gebogebo ah maraya, taas oo Masuuliyadeeda ugu muhiimsan noqon doonta horumarinta, tayeynta iyo maamulka Isgaarsiinta dalka.

Sidoo kale Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe dib u habayn lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa; Iyadda oo ay muhiim tahay in la ogaado in aysan suurtogel ahayn in uu ka shaqeeyo dalkan fure aan ahayn 252

Waxaana uga digeynaa dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo cidkasta oo ay quseyso in ay haddii ay isku dayaan isticmaalka fure aan ahayn 252 ay la kulmi karaan talaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala noqoshada ruqsada Adeegga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here