Wararka ka imaanaya Gobalka Jubada Hoose ayaa Sheegaya Duqeymo Culus ay maanta ka socdaan Deegaano ka tirsan Gobalkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Duqeymahaan ka socada Deegaano hoostaga Degamada Amadoow Gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidankii Al-shabaab ee Saaka dib looga qebsaday gacan ku heynta Deegaanka Diif.
Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in Duqeymahaasi ay fuliyaan Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya kuwaas oo ilaa saaka Cirka ka taageerayey ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya maanta dib ula Wareegay Deegaanka Diif
Afhayeenka Ciidanka Daraawiishata Jubaland Aadan Geelle oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay duqeymahu ay hada ka socdaan Duleedka Dagmada Afmadoow ee Gobalka Jubada Hoose

