Senator Cabdi Qaybdiid:-“Ma Ciidan Emirate Baa Dalka Haysta?

0

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa markale ka hadlay weerarkii maalintii Sabtida lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay  in uu leeyahay xasaanad ka hor istaageysa in la baaro gurigiisa.

“Anigu xasaanad baan leeyahay, gurigeyga lama soo geli karo, lamana baari karo, anigana la’ima baari karo. Waxa ay tahay waa sharci-darro, in la soo galaaba ay sharci-darro ahayd.” Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo la hadlay VOA.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa su’aal ka keenay ciidan aan ahayn kuwii Dowladda Somaliya, halka ay ka keenayn awoodda ay ku baari kaaraan hoygiisa.

“Midda labaad waxaa sharci-darro ah ciidan aan Dowladdii Somaliyeed ka tirsanayn inay aniga i baaraan, haddee waxaa weeye sidee ku yimaadeen gurigeyga, ma Emirate baa dalka haysta? Arrintaas waxaan rabaa inaan u daayo baaris illaa ay dhacdo.”.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la baaro cidda ka masuulka ah weerarka lagu galay hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), cadaaladana la horkeeno.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here