anotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo in uu xilka iska casilo hadii uusan waxba ka qaban Karin weerarada mas’uuliyiinta iyo siyaasiinta lagu hayo.
Xuseen Shiikh Maxamuud oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee dalka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu shaqada isaga tago marba haduusan waxba ka qaban Karin weerarada joogtadda ah ee lagu hayo Siyaasiyiinta Soomaliyeed.
Sidoo kale Sanotar Xuseen ayaa sheegay in Magaaladda muqdisho amnigeeda lagula xisaabtamo dowladda Soomaliya islamarkaana wax laga xumaado ay tahay muddo bil gudaheed labo weerar lagu qaado xubno caan ah.
Shalay Ciidamo la sheegay in ay tabartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weerar ku qaaday hoyga Sanotar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo kamid ah xubnaha aqalka sare baarlamaanka Soomaliya.
Sidoo kale 18-kii bishaan Ciidamo ka Tirsan Nabad Sugida Soomaliya ayaa weerar ku qaaday Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaana halkaas lagu dilay afar askari oo ilaalo u aheyd Siyaasiga.

