Saraakiil Loo Tababaray La Dagaalanka Al-shabaab Oo Lasoo Bandhigay “Sawirro”

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan kuwa XDS oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka  Ganaraal Dhaga-badan.

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka, ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka,  Saraakiil katirsan Amisom,  masuuliyiin ka socday dalalka Italy Swedan.

Taliyaha Dugsiga tababarka ee general dhaga badan, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Saneey oo munaasabadda ka hadlay,  ayaa sheegay in ciidamadda tababarka u dhammaaday la baray la dagalaanka kooxaha mitidiinta Al-shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowlada Somaaliya iyo dowladaha dariska.

Madaxa Tababarka Midowga yurub,  ayaa Ciidamadda xoogga dalka ku dhiira geliyay howlgalada ka dhanka ah Dagaal-yahanada Xarakada Alshabaab howlgaladaa oo la doonayo in dalka looga saaro.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed S/gaas cabdi Wali Jaamac, ayaa waxuu munaasabadda ka sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku yihiin Aminga dalka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya dadaal adag ay ugu jirto dhismaha ciidamadaQaranka, kana kaashan doonto saaxibada caalamiga.

halkaan ka Daawo Sawirrada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here