Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadlaan jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimaddda Taliska Yahuudda.
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan oo xilligan haya guddomiyennimada madaxda waddamada Islaamka ayaa cambaareeyey go’aankaasi, waxaana uu ugu baaqay Maraykanka in laga laabto.
Waxaa lagu sheegay war murtiyeedka in go’aanka Trump aanu sharciyad heysan isla markaana uu ka hor imaanayo qawaaniinta caalamiga gaar ahaan kuwa ka soo baxay golaha ammaanka.
Waxaa maamulka Mareykanka dusha la saaray cawaaqib xumida ka dhalata go’aanka iyaga oo Mareykanka u soo jeediyay in uu faraha kala baxo geedi u socodka nabadda ee bariga dhexe.
Waxaa mar kale lagu celiyay in Qudusta Bari ay tahay caasimadda dalka Falastiin.
Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la faray in dunida uu ka sameeyay barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu ogaanayo qiimaha ay Qudus u leedahay Muslimiinta.
Qaramada Midoobey gaar ahaan golaha ammaanka waxaa loogu baaqay in uu meel-mariyo go’aannadii uu horay u gaaray ee ku saabsanaa Qudus.

