Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS oo Caburin Ku Haya Saxaafadda+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas in caburin uu ku hayo saxaafadda ka howlgasha deegaanada Maamulkaas.

Xildhibaan Cali Xasan oo kamid ah baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uu saxaafadda isugu yeeray dhawaan islamarkaana uu ku wargaliyay in ay baahiyaan warar ku saabsan hormarka deegaanada KGS ayna kasoo horjeystaan baahinta wararka loogu gafayo madaxda.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la caburiyo Saxaafadda ka howlgasha deeganada koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana ay ka yeesheen kulamo loogu hadlaayay arintaas.

Dhanka kale Xildhibaan Cali Xasan oo kamid ah baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo mooshinkii ay wadeen xildhibaanada oo la doonayo in xilka loogu tuuro Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here