Dowladda Mareykanka oo Dhaqaalihii Ka Jartay CXD Qaybta 12 Abriil+Dhageyso

0

Korneel Jaamac Jookar oo kamid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii dhaqaalaha loogu jartay Qaybta 12 Abriil ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka mas’uulka ah amniga Banaadir iyo labada Shabeele (Shabeeleda Dhaxe iyo Shabeelada Hoose).

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha ay bixin jirtay dowladda Mareykanka lagu dhiiri galin jiray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Warbixin horudhac ah ayaa sheegaysa in lagu sababeeyay jarida mushaarka ciidamadaas in madaxda Dowladda soomaaliya qaar kamid sheegeen in ay yihiin ciidan qabiil una badan beelaha dega Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaliya ayaa arinkaan ka hadlay isagoona ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah dagaalka Xarakadda Al-shabaab dalka loogu saarayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here