faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Garbaharey kuwaa oo ku waramaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada somaaliya oo ku sugnaa degmadaasi.
ilo dadka deegaanka ayaa idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay iney maqlayeen dhawaqa qarax ay maleynayaan inuu ahaa miinooyinka kuwa dhulka lagu aaso, balse aysan kala garan karin qasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi lala eegtay Ciidamada Dowladda.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi waxeyna shegeen iney qasaare ku gaarsiiyeen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Somaaliya.
dhanka kale xiriiro idaacada Simba ay la sameysay Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa u xaqiijiyay inuu jiro qaraxaasi, balse aysan jirin wax qasaaraha ah oo kasoo gaaray ciidamada dowladda ee lala eegtay qaraxaasi, ciidamada saaka ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayan ragii ka danbeeyay qaraxaasi.
mararka qaar waxaa ka dhaca gobalka Gedo qaraxyo qasaare geysta oo lala eegto Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobalkaasi.

